Xasuustii Etoopiyaankii Xamar soo galay!

Waxay aheyd goor galab ah sannadkii 2007 waxaan u imid saaxiibkayga oo harqaan ku lahaa Ex Kontorol, Huriwaa.
Wax yar markii aan la joogay oo aanan weli kala hadal boganin, ayaan waxaan maqalnay qarax weyn oo ka dhacay laamiga horteena ah, in yar ka dibna waxaa bilaabatay rasaas xoog leh oo meel walba loo ridayo, aniga iyo saaxiibkayga iyo waxaa isla joognay wiil yar oo xooga yara buurna, waxaan ku fekernay hadii aan banaanka u baxno in ciidamadu na dili doonaan maadaame dhaqankoodu sidaas ahaa hadii aan guriga joognana inay noo imaan doonaan oo na xiri doonaan ugu yaraan, waxaan ku fikirnay xalkale oo ahaa inaan isku qarino safiitada iyo jiingada dhexdooda oo aan kor fuulno, balse waxaan dhibaato kala kulanay in aan qaadiwaynay wiilkii kale hadii aan meesha uga tagnana waxaan ka baqaneynay inay Etoobiyaanku wataan ama dilaan, ugu danbeyn waxaan ku niri guriga gal oo cida isku dex ali anagana waan dhuumanaynaaye meeshii ayaana fuulnay. Ciidamadii soo galay xaafada meel walba way baarayeen guri guri ilaahayna waa naga qariyay maalinkaas waxay dileen dad kor u dhaafayo 13 qof oo aan waxba u gaysanin ayaga sidoo kale waxay dhaawaceen in ka badan 20 ruux ayagoo uga aar gudanayo qaraxii lala eegtahay. Nimankii qaraxa soo abaabulay maxay ka faa'ideen qaraxaas hadiiba dad kale oo soomaaliyeed ayaga dartooda loo laayay. Maalinkaas dadka dhintay waxay u badnaayeen fuundiyaal iyo dhalinyaro internet isaga jirtay oo inta gudaha loogu galay mid mid loo toogtay. Ninkii ciidan hogaaminayay asagoo Sargaal sare ah oo weliba dadku qiimeeyaan ayuu Soomaaliya tuulo iyo degmo walba maraa weliba asagoon u dhalan Soomaaliya (waa Gabre). Dadkaygu ilowsho dhawaa oo dowladaydu la'aa marba hadii ay soo dhawaysatay dilaagii waynaa ee dadka badan laayay.
 
Ujeedada aan qoraalkaan u qoray waxaa weeye inaan dadka xasuusiyo qeyb ka mid ah xasuuqii Etoobiyaanka ka geystay dalkayga. Waa xasuus aan marqaati ka ahaa oo aan usoo joogay oo weliba igu reebtay xanuun badan maxaa yeelay aabahayga sxbkiis ayaa ku jiray dadka la dilay.
 
Mahdi Abdiweli
RSS 2.0