Saadaasha Doorashooyinka Soomaaliya ee 2016

Waxaan aaminsanahay madaxweyne xasan shiikh in waqtigiisu dhamaad ku dhow yahay maxaa yeelay mar labaad masoo noqon doono. Sida aan ka baranay siyaasadda Soomaaliya ma jiro, nin xilkii uu hayay labo mar labaad loo doortay marka laga reebo Ra'iisul wasaare Cumar abdirashiid oo labo mar xilka ra'iisul wasaare loo magacaabay iyo madaxweyne Maxamed siyaad oo tiisu aheyd hal xisbi iyo nin dooran doorta.
 
 
Shiikh shariif oo soo noqday hogaamiyihii maxkamadaha iyo madaxweynihii dowladdii ku meelgaarka aheyd ayaa maanta ku dhowaaqay inuu yahay murashax xilka madaxweynenimo asagoo dalkana dib ugu soo noqday ka dib mudo 4 sano ah oo uu ku maqnaa dalka dibadiisa oo uu waxbarasho u joogay. Shiikh Shariif dhamaan siyaasiyiinta ayuu u yahay tusaale fiican maadama uu ka gaabsaday dhaleeceynta iyo wax ka sheegitaanka madaxda hogaamisa dowladda federalka ah, sidoo kale kama uusan hadlin siyaasadda dalka iyo mida caalamka midna mudadii uu xilka ka degey ka dib balse hada ayuu isuu soo sharaxay xilka ugu sareeyo Soomaaliya sidoo kale shiikhu wuxuu wataa taageerayaasha ugu badan ee uu leeyahay nin murashax ah, siyaasiyiintii xilalka kasoo qabatay xukuumadihii kala duwanaa ee dalka ee aan ka dhex muuqan xukuumada hada iyo kuwa xukuumada ka mid ah ayaa u muujiyay taageero weyn waxayna u balan qaadeen in ay u ololeyn doonaan shiikha sidii uu talada dalka ugu soo noqon lahaa shiikhuna wuxuu xafladii maanta ka sheegay inta uu siyaasada ka fadhiyay inuu diyaariyay qorshe howleedka uu dalka ku hogaamin lahaa qaladaadkiisii horena uu wax badan ka bartay. Shiikh Shariif wuxuu ku jiraa shaqsiyada ugu cadcad doorashadaan asaga iyo Farmaajo oo horay u soo wada shaqeeyay balse ku kala irdhoobay siyaasadda. Anigu waxaan ku jiraa taageera yaasha shiikha kuwooda ugu horeeya waxaana u rajaynaa guul iyo inuu noqdo madaxwaynaha xigga ee dalku yeesho.
 
Qore: Mahdi Abdiweli



Namn:
Kom ihåg mig?

E-postadress: (publiceras ej)

URL/Bloggadress:

Kommentar:

RSS 2.0